Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhigiiisa Hindiya, Dr. Jaishankar kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.
Labada mas’uul oo ka qeyb galay shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa kulankooda diirada ku saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka Hindiya iyo Soomaaliya
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ay muhiim tahay furitaanka qunsuliyadda Hindiya ee Muqdisho, maadaama ay fursad u siinayso labada dal kana wada shaqeyn karaan dhinacyada ganacsiga, dhaqanka, iyo ammaanka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa u hambalyeeyay Soomaaliya kamid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay ka heshay xubinta aan joogtada ahayn ee sanadaha 2025-26.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, tababarka, iyo dhisidda awoodda.