Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 5 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 1,457.
Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 8 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland, 7 qof, , Muqdisho 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,119.
Bukaannada cusub 6 waa rag. 2-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay majirin dad Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka COVID-19.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo