Wasiirada Jaamacadda Carabta oo bayaan ka soo saartay Dacwadda DFS ee Imaaraadka

Dowladda Soomaaliya ayaa Todobaadkan u gudbisay fadhiga Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta warqad ay dacwo uga tahay Imaaraadka Carabta oo shirkad laga leeyahay heshiis Saddex geesood ah uga gashay Dekeda Berbera.

1-dii March heshiis Saddex geesood ah waxaa Imaaraadka ku wada galay DP World, Somaliland iyo Itoobiya, waxay yeelaneysaa DP World maalgashiga Dekedda weyn ee Berbera saami dhan 51%, halka ay Somaliland yeelaneyso 30% iyo Itoobiya oo la siiyay 19%.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo shalay magaalada Qaahira uga qeyb galay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta ayaa codsaday ajandayaasha shirka in lagu daro faragelinta Imaaraadka, sidaasi ayaana looga aqbalay.

Soomaaliya ayaa codsatay in wax laga qabto faragelin toos ah oo ay ku hayaan Dowlado carbeed iyo dalalka deriska qaarkood, oo ku soo xad gudbay Qaranimada iyo Midnimada Soomaaliya.

Shirkii shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Qaahira oo bayaan laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa qodobadii ka soo baxay in midnimada Soomaaliya ay tahay muqadas oo aanan lagu sameyn karin faragelin.