Wasiirada Maamulgoboleedyada Oo ujawaabay Wasiir Beyle

Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka maaliyadda  Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa loogu jawaabay Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo horay uga dalbaday Xisaab celin

Qoraalka waxay wasaaradda maaliyada Puntland ku soo gudbisay dhammaan lacagihii ka soo gaaray dhinaca Federaalka Sannadkii 2017 ilaa sannadkan 2018

“lacagta naga soo gaartay Dawladda dhexe oo ah dhaqaalaha ay ku deeqeen beesha caalamka ayaa wadarteedu dhan tahay USD 450,000 ( afar boqol iyo konton kun oo dollar), lacagtaas oo faahfaahinteedu tahay; dhamaystirka iyo rinjiyeenta Garoonka caalamiga ah ee Gen: Mohamed Abshir Airport oo dhan USD ( $ 296,000), taasoo si toos ah luugu shubay koontada shirkadda dhisaysay Garoonka uga furan Salaama Bank (AC No: 80155473) , dhismaha Jidka Wasaaradaha oo ay si wada jir ah u maal galiyeen Dawladda dhaxe iyo Dawladda Puntland oo dhan USD ($ 104,000), halka uu dhismaha wadadaasi ay ku baxday lacag dhan USD 240,000 oo ay baaqiga dheeriga ahi ay bixisay Dawladda Puntland” ayaa qoraalka lagu yiri

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland C/rashiid Jire Qalinle ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda maaliyadda ay si Sharciga ka baxsan doonayso in ay ula xisaabtantu maamul goboleedyadda.

Waxaa uu sheegay in Warqadda maamulada lasoo diro xilliyadda ay yeelanayaan kulamada looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya.

Qalinle ayaa sheegay in Jubbaland daqliga kasoo caroodda Garoonka iyo Dekedda Kismaayo qeyb ka mid ah ay siiso dowladda Soomaaliya,sidaa darteed ay xisaab celi ka dalbanayaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.