Wasiiradda Galmudug oo lagu wado in la magacaabo

Magaaladda Dhuusomareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka socda Kulamo aan kala joogsi laheyn, kuwaas oo looga arinsanayo Magacaabista Gollaha Wasiiradda Galmudug.

Kulamadda ayaa kakala socda Xarunta Madaxtooyadda iyo Xaruma kale oo Maamulka Galmudug Masuliyiintiisa ay ku shaqeeyaan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Gudoomiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Shiikh Xasan ayaa Kulamo wadashiyo ah waxa ay la qaateen qaybaha Bulahadda iyo Siyaasiyiinta Xildoonka ah.

Warar soo baxaya ayaa Radio Galgaduud u xaqiijiyay in inta badan Shaxda Gollaha Wasiiradda laisla fahmay laakiin ay socdaan kulamadii ugu danbeeyay.

Gollaha Wasiiradda Galmudug ayaa aad loo hadal hayaa in 48 Saac ee soo socota gudahood ay suurta gal tahay in lagu dhawaaqo.