Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya, Michael Nithavrianakis.
Kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadd Soomaaliya iyo Safiirka Boqortooyada UK u fadhiya Soomaaliya ayaa diiradda waxaa lagu saaraay,” sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.” Sida lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay kulanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay qorshaha Xukuumadda ee ku wajahan dib u xoreynta dalka, taageerada loogu baahan yahay barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyo Al-Shabaab. Sida lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya, Michael Nithavrianakis kala hadlay dardar-galinta mashruucyada horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo amniga.