Wasiirka Amniga DFS Mudane Fartaag iyo Taliyaha Booliiska oo soo xiray Qalin-jabinta Dufcad ka tirsan Ciidanka Daraawiishta.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo xirayay qalin-jabinta dufcad ka tirsan Ciidanka Daraawiishta, kuwaas oo dhammeystay tababbarro ciidan oo dhammaystiran.

Ciidamada qalin-jabiyay, oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, ayaa lagu qalabeeyay xirfado kala duwan oo la xiriira sugidda amniga, adkeynta kala dambeynta iyo ka qeyb qaadashada howlaha amni ee dalka, iyadoo tababarkoodu uu waafaqsanaa heerarka casriga ah ee ciidanimo.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorka ay ka qaateen taageeridda iyo horumarinta tababbarka ciidanka, isagoo xusay in iskaashigaasi uu gacan weyn ka geystay tayeynta awoodda Booliiska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, madaxda ka qeyb gashay munaasabadda ayaa ciidamada cusub kula dardaarmay in ay la jaanqaadaan isbeddellada iyo horumarka lagu sameeyay qeybaha kala duwan ee ciidamada, isla markaana ay si hufan ugu adeegaan shacabka iyo ammaanka dalka.