Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qayb galay munaasbada kasoo wareegatay dib u howl-galintii isbitaalka Madiina.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Yuusuf Xussen Jimcaale Madaale  ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 24-aad ee kasoo wareegatay  dib u howlgelinta Isbitaalka Madiina oo hoos taga Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo howlwadeennada Isbitaalka Madiina, howsha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, xilliyadii adkaa ee la soo maray iyo haatan oo uu dalku dib u soo kabanaayo.
Wasiir Fartaag, ayaa tilmaamay in sbitaalka Madiina uu tusaale u yahay sida ay Booliska Soomaaliyeed ugu heelan yihiin horumarinta caafimaadka bulshada.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, saraakiil, dhakhaatiir iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan qeybaha bulshada.