
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay taageerada Dowladda Shiinaha ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhisidda iyo tayeynta ciidamada amniga, la dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wadata, iyo kor u qaadidda awoodda hay’adaha kala duwan ee amniga. Labada dhinac ayaa isla qaatay in muhiimad gaar ah la siiyo horumarinta xirfadaha ciidamada iyo adeegsiga farsamooyin casri ah oo lagu sugayo amniga dalka.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigaasi uu door weyn ka qaato sugidda xasilloonida, dib u dhiska hay’adaha dowladda, iyo horumarinta nabadda waarta ee dalka. Wasiirku waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta wada shaqeynta caalamiga ah si loo helo amni buuxa iyo xasillooni joogto ah.
Danjiraha Dowladda Shiinaha, Mudane Wang Yu, ayaa dhankiisa xaqiijiyey in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinaca amniga ee Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay taageerada la xiriirta horumarinta hay’adda miino baarista Soomaaliyeed, qalabaynta iyo tababarka shaqaalaha, si loo yareeyo khataraha miinooyinka iyo walxaha qarxa, loona xoojiyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Shiinaha uu diyaar u yahay inuu kordhiyo mashaariicda taageeraya amniga iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Kulanka wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Mohamed H. Shire, iyo Lataliye sare ee Wasaaradda, Shoki Hayir, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay falanqaynta arrimaha la xiriira iskaashiga iyo qorsheyaasha mustaqbalka.
Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada shaqeynta istiraatiijiyadeed ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Shiinaha, iyagoo ku heshiiyey in la kordhiyo kulamada noocan oo kale ah si loo dardargeliyo fulinta heshiisyada iyo qorshayaasha wadajirka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida, iyo horumarinta guud ee dalka.