Wasiirka Amniga Gudaha oo La Kulmay Wafdi ka Socday EUCAP, Kana Wadahadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub (EUCAP), kuwaas oo uu hoggaaminayay Madaxa Howlgalka EUCAP.

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, gaar ahaan tababarrada, taageerada farsamo iyo dhismaha awoodda Ciidanka Daraawiishta ee Booliska Soomaaliyeed, si kor loogu qaado tayada, xirfadda iyo hufnaanta ciidanka.

Ujeeddada wada-hadallada ayaa ahayd in la xoojiyo awoodda hay’adaha amniga, si ay si wax-ku-ool ah uga shaqeeyaan sugidda amniga, ilaalinta sharciga, iyo xaqiijinta xasilloonida guud ee dalka, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha amni ee isbeddelaya iyo xaaladaha amni ee dalka ka jira.

Wasiirka Amniga Gudaha, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub iyo Howlgalka EUCAP taageerada joogtada ah ee ay siiyaan hay’adaha amniga Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashigan uu yahay tiir muhiim u ah dhismaha ciidan qaran oo xirfad leh, lehna aqoon casri ah iyo waayo-aragnimo la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay ka go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta saaxiibada caalamiga ah, si loo helo nidaam amni oo waara, hufan, kana jawaaba baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, wafdiga EUCAP ayaa ku celiyay ballanqaadkooda ku aaddan sii wadista taageerada farsamo, la-talinta iyo tababarrada ay siiyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Daraawiishta, iyagoo xusay in Midowga Yurub uu sii wadi doono doorkiisa ku aaddan taageeridda dadaallada amniga iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo amni waara, xasillooni siyaasadeed, iyo horumar guud oo dalka ka hanaqaada.