Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay tababarka macallimiinta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kaas oo qayb ka ah barnaamij wadajir ah oo lagu xoojinayo xasillinta iyo awood-dhisidda hay’adaha amniga, gaar ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed (SPF).
Barnaamijkan oo ay maalgelinayso Dowladda Japan ayaa lagu qabtay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Jeneraal Kaahiye, waxaana diiradda lagu saaray horumarinta tayada iyo xirfadaha macallimiinta iyo saraakiisha booliiska, si loo xoojiyo adeegyada amniga, ilaalinta shacabka, iyo tayeynta nidaamka tababarrada.
Tababarku wuxuu socon doonaa muddo 10 maalmood ah, waxaana inta uu socdo lagu xoojin doonaa aqoonta iyo xirfadaha macallimiinta si loo horumariyo tayada tababarrada booliiska Soomaaliyeed.
Tababarkan ayaa sidoo kale loo sii Daadjin doonaa oo si tartiib tartiib ah Loo Gaarsin doonaa gobollada dalka, si loo xoojiyo awoodda iyo tayada ciidanka booliiska ee heer gobol iyo heer degmo.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qeyb galay Ku-simaha Madaxa AUSSOM ahna Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC), Danjire Mouktar Osman Karie, Gen. Maxamed Maxamuud Maxamed (Garaar), Taliyaha Booliiska AUSSOM AIGP Hillary Sao Kanu, iyo masuuliyiin kale oo sare oo ka tirsan SPF iyo AUSSOM.
Sidoo kale waxaa goobta joogay Isuduwaha Mashruuca Japan ee Wasaaradda Amniga Gudaha iyo AUSSOM, Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf, Isuduwaha Booliiska AUSSOM ACP Dr. Samuel Asiedu Okanta, Madaxa Qorsheynta iyo Tababarrada SPF G/dhexe Axmed Maxamed Maxamed, iyo Taliyaha Akadeemiyadda Tababarka Booliiska Jeneraal Kaahiye, Jen. Mukhtaar Gaabow Xasan.
Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay barnaamijka, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimaddiisa ku aaddan kor u qaadista xirfadaha, tayeynta adeegyada booliiska, iyo xoojinta hay’adaha amniga.
Barnaamijkan ayaa si guud diiradda u saaraya horumarinta hufnaanta hay’adaha, awood-dhisidda shaqaalaha amniga, iyo taageeridda dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo muujinaya iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Dowladda Japan, Midowga Afrika, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Home Wararka Maanta Wasiirka Amniga Gudaha Oo Muqdisho Ka Daah-furay Tababarka Macallimiinta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed