Wasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho kaga Qaybgalay Shirka Hagidda Mashruuca Maamul-wanaagga iyo Isla-xisaabtanka Amniga iyo Caddaaladda

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qaybgalay shirka Guddiga Hagidda Mashruuca Maamul-wanaagga iyo Isla-xisaabtanka Amniga iyo Caddaaladda (SJGAP), kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadka mashruuca iyo horumarinta hannaanka maamulka iyo isla-xisaabtanka hay’adaha amniga iyo caddaaladda.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay natiijooyinka laga gaaray fulinta mashruuca, mudnaanta shaqo ee marxaladda xigta iyo sidii loo sii xoojin lahaa horumarka laga sameeyay maamulka, kormeerka iyo isla-xisaabtanka hay’adaha ka shaqeeya amniga iyo caddaaladda dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale fursad u ahaa xubnaha guddiga inay dib u eegaan howlaha hore loo qabtay, qiimeeyaan natiijooyinka la gaaray, isla markaana ka wada hadlaan qorshayaasha lagu sii horumarinayo hufnaanta iyo tayada shaqada hay’adaha ay khuseyso.

Mashruuca Maamul-wanaagga iyo Isla-xisaabtanka Amniga iyo Caddaaladda ayaa muhiimad u leh dadaallada lagu horumarinayo nidaamyada maamulka iyo kormeerka, si hay’adaha amniga iyo caddaaladdu ay waajibaadkooda ugu gutaan si hufan, masuuliyad leh, isla markaana waafaqsan habraacyada shaqo ee loo dejiyay.

Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka qaybgalka shirka ku muujiyay muhiimadda ay Wasaaradda Amniga Guduhu siinayso xoojinta maamulka hay’adaha amniga, hagaajinta hababka kormeerka iyo xaqiijinta isla-xisaabtanka masuuliyiinta iyo hay’adaha ku shaqada leh sugidda amniga dalka.

Horumarinta maamulka iyo isla-xisaabtanka hay’adaha amniga ayaa ka mid ah arrimaha muhiimka u ah dhismaha hay’ado awood u leh inay si hufan uga jawaabaan baahiyaha amni ee bulshada, isla markaana si joogto ah u qiimeeya waxqabadkooda iyo adeegyada ay bixiyaan.

Sidoo kale, wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo kuwa caddaaladda ayaa muhiim u ah sidii loo xoojin lahaa nidaamka cadaaladda, loo horumarin lahaa habraacyada shaqo, loona xaqiijin lahaa in howlaha amniga iyo caddaaladda loo fuliyo si masuuliyad leh.

Ka qaybgalka Wasaaradda Amniga Gudaha ee shirka Guddiga Hagidda Mashruuca SJGAP ayaa qayb ka ah dadaallada lagu sii horumarinayo maamulka iyo kormeerka hay’adaha amniga iyo caddaaladda, iyadoo mudnaan la siinayo joogteynta horumarka la gaaray iyo dejinta qorshayaal wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo natiijooyin waara.

Shirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay muhiimad gaar ah leedahay xoojinta awoodda hay’adaha dowladda, horumarinta isla-xisaabtanka iyo dhismaha nidaamyo maamul oo gacan ka geysta sugidda amniga iyo ilaalinta kalsoonida bulshada