Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Shacabka 2026

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Shacabka 2026, oo lagu qabtay magaalada Lianyungang ee dalka Shiinaha.

Madashan oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 2,100 qof oo ka kala socda 139 dal, gobol iyo hay’ado caalami ah, ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga iyo sidii dalalka iyo hay’adaha kala duwan ay si wadajir ah uga jawaabi lahaayeen khataraha amni ee xuduudaha ka gudba.

Ajandaha madasha ayaa waxaa ka mid ah arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin la-dagaallanka argagixisada, dambiyada abaabulan, dambiyada internetka, mukhaadaraadka iyo amniga socdaalka, iyadoo sidoo kale si gaar ah looga hadlayo doorka tiknoolajiyada casriga ah ee horumarinta iyo xoojinta amniga.

Ka qeybgalka Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ee madashan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga amni ee ay la leedahay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah.

Madasha ayaa sidoo kale fursad u ah dalalka ka qeybgalaya inay is dhaafsadaan khibradaha, aqoonta iyo hababka cusub ee wax looga qaban karo khataraha amni ee sii kordhaya, gaar ahaan dambiyada abaabulan iyo kuwa ka dhaca internetka.

Waxaa la filayaa in kulamada iyo doodaha madashan ay horseedaan iskaashi dheeraad ah oo dhinaca amniga ah, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo heli lahaa hannaan wadajir ah oo lagu wajahayo caqabadaha amni ee saameeya dalalka iyo bulshooyinka dunida.