Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Sacuudiga kula kulmay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, kana wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudiga, ayaa kulan la yeeshay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha amni, iyo horumarinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee labada dal. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada Sacuudiga ee dib-u-dhiska iyo tayeynta hay’adaha amniga Soomaaliya.
Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kulanka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah.
Dhankiisa, Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf ayaa xaqiijiyay in Boqortooyada Sacuudiga ay ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida.