Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa si diirran Safaaradda ugu soo dhaweeyay Safiir Ku-xigeenka Soomaaliya ee Shiinaha, Mudane Cabdisalaam Suleymaan, kaas oo wafdiga warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Safaaradda, howlaha diblomaasiyadeed ee ay qabato iyo adeegyada ay u fidiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Shiinaha.

Safiir Ku-xigeenka ayaa sidoo kale Wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayo uga warbixiyay dadaallada ay diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ugu jiraan horumarinta xiriirka labada dal iyo ilaalinta danaha qaranka Soomaaliya ee dalka Shiinaha.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiirka Amniga Gudaha ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta iyo diblomaasiyiinta ka howlgasha Safaaradda, iyadoo kulanka lagu soo qaaday arrimo la xiriira xaaladda guud ee xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha iyo muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo xiriirka labada dowladood, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii horumariyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay shaqada ay Safaaradda Soomaaliya ka waddo magaalada Beijing, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo matalaadda danaha Soomaaliya.

Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd kulammo iyo hawlo shaqo oo Wasiirka Amniga Gudaha uu ka wado magaalada Beijing, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa leh xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan leh, waxaana labada dal ay iska kaashadaan arrimo ay kamid yihiin diblomaasiyadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimo kale oo labada dhinac dan u ah.

Kulamada Wasiirka ee magaalada Beijing ayaa sidoo kale lagu wadaa inay qeyb ka noqdaan dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo arrimaha amniga iyo ilaalinta danaha qaranka.

Booqashada Wasiirka iyo wafdigiisa ee Safaaradda Soomaaliya ee Beijing ayaa ku soo dhammaatay is-dhaafsi warbixinno iyo wada-tashi ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa howlaha diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, loona horumarin lahaa danaha guud ee Soomaaliya iyo Shiinaha.