Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo heer sare ah oo ka dhacay magaalada Laascaanood, kaas oo looga hadlay xaaladda amni ee guud iyo diyaargarowga munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.
Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, saraakiil ka socotay hay’adaha kala duwan ee amniga, maamulka gobolka, iyo masuuliyiin kale oo muhiim ah.
Mas’uuliyiinta ka qeyb galay shirka ayaa si qoto dheer uga dooday xaaladda amni ee magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo amni waara oo suurtageliya qabsoomidda munaasabadda caleema-saarka si nabad ah oo hufan.
Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulanka ka sheegay in dowladda federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana la dardar-gelin doono iskaashiga u dhexeeya ciidamada amniga ee federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedka. Waxa uu xusay in amniga munaasabadda caleema-saarka uu yahay mas’uuliyad wadareed oo u baahan feejignaan, isku-duwid iyo wada-shaqeyn buuxda.
Dhankiisa, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa uga mahadceliyay dowladda federaalka doorka ay ka qaadaneyso sugidda amniga, isagoo sheegay in maamulka Waqooyi Bari ay ka go’an tahay xaqiijinta xasillooni siyaasadeed iyo mid amni oo horseeda horumar iyo kalsooni bulsho.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa isna shirka ka jeediyay warbixin ku saabsan qorshayaasha amni ee loo diyaariyay munaasabadda caleema-saarka, isagoo sheegay in la adkeyn doono sugidda amniga goobaha ay ka dhacayaan munaasabadaha, la xoojin doono kontaroolada, isla markaana la kordhin doono feejignaanta ciidamada inta ay munaasabadda socoto.
Ugu dambeyn, shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aano la xiriira hirgelinta qorsheyaal amni oo isku-dhafan, kuwaas oo lagu xaqiijinayo badqabka martida, masuuliyiinta iyo shacabka, si munaasabadda caleema-saarka ay ugu qabsoonto jawi amni oo buuxa.