Wasiirka Amniga Jubaland oo si rasmi ah ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Ilaalada Gaarka ah ee Madaxtooyada Jubaland.

Wasiirka Amniga Dowladda Jubaland, General Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar muddooyinkii u dambeeyay u socday ciidamo ka tirsan Ilaalada Gaarka ah ee Madaxtooyada Dowladda Jubaland, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xirfadaha amniga, ilaalinta madaxda, iyo sare u qaadista heeganka shaqo ee ciidamada.
Tababarkan ayaa muhiim u ah tayeynta iyo kobcinta awoodda ciidanka, isagoo door weyn ka qaadanaya sugidda amniga madaxda, adkeynta nidaamka guud ee amniga, iyo kor u qaadista diyaar-garowga Ilaalada Madaxtooyada Dowladda Jubaland.
Wasiirka Amniga Dowladda Jubaland, General Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, ayaa xusay in tababarada lagu tayeynayo Ciidamada Ilaalada Gaarka ah ay sii socon doonaan, si loo helo hufnaan shaqo, tayo buuxda, iyo ilaalin heer sare ah.