Wasiirka Amniga Jubbland Oo dib ugu labtay Kismaanyo

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dawlad Goboleedka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo malmahaan ku sugnaa Magalada  Muqdisho ayaa Maanta dibwaxaa uu  laabtay Magalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Qaar kamid ah labada Gole ee dawlad Goboleedka Jubaland ayaa si diiran ugu soo dhaweyey Madaarka Magalada kismaayo wasiirka ,waxaana uu  uga mahad celiyey Xildhibaanada iyo Wasiirada dhigiisa ah ee sida wanagsan ugu soo dhaweeyeen Magalada Kismaayo.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo Saxaafada kula hadlay Magalada Kismaayo ayaa ka hadlay warar maalmahaan soo baxayay tan iyo markii uu yimid Magalada Muqdisho ee haa in uu la heshiiyay dowladda Soomaaliya,maadaama uu ka mid ahaa wasiirada ugu saameynta badan Maamulka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in wararkaasi aysan waxba ka jhirin,isla markaana ka Wasiir ahaan waxba iska badalin mowqifkiisa,isla markaana wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin.

Intii uu ku sugnaa Magalada Muqdisho Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa waxaa la dejiyay Xarunta Hay’adda NISA ee Habar Khadiijo,waxaana jirtay in Maxkamada Gobolka Banaadir ay ka laabatay Warqad waaran lagu soo xirir lahaa Wasiirka oo Maxkamada loo gudbiyay sanadkii 2015.