Wasiirka Amniga Jubbland Oo Shir Gudoomiyay Kulan Ku Saabsan Amniga

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ayaa shir guddoominayay kulan ay maanta yeesheen laamaha amniga Jubbaland waxaana ka qayb galay Taliska ciidamada kala duwan ee Jubbaland sida Nabad-sugidda, Booliska,Daraawiishta iyo Saraakiisha sar sare ee ciidanka Jubbaland.

Shirka ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga Jubbaland, ka hortagga dhagarta cadowga, samaynta howlgallo joogto ah oo nabadgelyada lagu xaqiijiyo iyo qodobo kale oo muhiim u ah amniga Jubbaland

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo markii shirku soo dhamaaday la hadlay Jubbaland TV ayaa sharraxaad ka bixiyey shirka iyo go’aanada kasoo baxay, wuxuuna qaybaha bulshada Jubbaland ugu baaqay in ay ciidanka amniga kala shaqeeyaan xaqiijinta nabadgelyada.