Wasiirka amniga oo eedeyn u jeediyay dadka xirnaanshaha wadooyinka dhaliila

Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay dadka Shacabka iyo Siyaasiyiinta isugu jira ,kuwaasoo dhaliila xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in dadka dhaliilaya xirnaanshaha waddooyinka Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa Al-Shabaab ay ka hadalsiiyaan.

Waxaa uu Ammaan u jeediyay Ciidamada xasilinta oo uu sheegay in ay ku guuleysteen in ay suggaan Amniga Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu xusay in  Al-Shabaab ay la mid yihiin shacabka islamarkaana marka waddooyinka la xiro Dad Shabaab ay ka hadal siiyaan dhaliilo u jeediyaan xirnaanshaha wadooyinka.

“Nimanka nabad diidka waxa ay soo dhax galayaan dadka shacabka ah, dadka ayeey ka hadal siinayaan iyaga ayaa dhaliilayaa xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho, sababtoo ah waa dad nagu dhex jira oo Muslim ah, marka jidadka la dabciyana qaraxyo ayeey gaysanayaan.” Ayuu yiri Wasiirka amniga Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa Bishaan Marti galisay Qaraxyo iyo Weerar culus oo ay Shabaab kusoo qaadeen, Xarumaha dowladda ee ku yaalla Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Shacabka Muqdisho ayaa Cabasho xooggan ka muujiyay xirnaanshaha Wadooyinka Muqdisho, iyadoona ay xusid mudan tahay in Qaraxyo ay dhacayaan iyadoo ay wadooyinka xiran yihiin.