Wasiirka Amniga Oo hortagay guddgiga amniga ee Golaha Shacabka

Guddiga Arrimaha Guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Kulan la qaatay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale iyo saraakiisha ciidamada Qalabka sida.

Kulanka oo ay shir-Guddoominaysay Guddoomiyaha Guddigaasi ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta guddigaasi iyo hay’adaha amniga qaabilsan, si la isaga kaashado sugidda amniga dalka.

Intii kulanka uu socdo ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka laga dhageystay Wasiirka Amniga Soomaaliya, isagoo guddiga faah faahin ka siiyay xaalaga amniga ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale ayaa xubnaha guddiga amniga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u sheegay in ay jiraan guulo badan oo laga gaaray dhinaca nabadgeliyada, islamarkaana ay ka go’an tahay sidii loo dardargelin lahaa xoojinta amniga guud ahaan dalka.

Kulankani ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka soconayaan howlgal ballaaran oo ku aadan sugidda amniga caasimadda, loogana hor tagayo falalka lidiga ku ah ammaanka.