Wasiirka Amniga oo kala wareegay Hey’adda UNDP gadiid loogu talagalay hey’adaha amniga dowlad-goboleedyada.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala wareegay Hey’adda UNDP gadiid loogu talagalay hey’adaha amniga dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in gaadiidkaan ay qeyb ka qaada doonaan xoojinta iyo tayeynta hey’adaha amniga dalka, isla markaana loogu talagalay in loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyey hey’adda UNDP taageerada ay siiso Soomaaliya.
Gaadiidkan oo tiradoodu gaarayso lix gaari, ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta hey’adaha amniga dalka, iyadoo loo marayo mashruuca JPP Face-2 oo ah barnaamij uu maalgeliyo Midowga Yurub (EU) ayna fuliyaan UNDP iyo hay’adaha amniga dalka, kaas oo diiradda saaraya tayeynta adeegyada Booliska, Tababarrada iyo xirfadaha amni, casriyeynta qalabka, gaadiidka iyo hirgelinta adeeg boolis oo bulshada u dhow.