Wasiirka amniga & taliyeyaasha Ciidamada Oo Kurmeer kutegay Goobaha gaadiidka ka Ay soo galaan Magaalada Muqdisho

Taliyeyaasha Ciidamada dowladda oo uu wehlinaayay Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa kormeeray goobaha laga soo galo Magaalada Muqdisho.

Goobaha ay tageen taliyeyaasha iyo Wasiirka Amniga ayaa waxaa ka mid ah  Maslax iyo Siinka Dheer ee duleedka Magaalada, halkaasi  oo ay soo eegayeen habka ciidamada u hubiyaan gaadiidka Magaalada soo gala.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ,Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha Nabad Suggida ,Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Wasiirka Amniga ayaa ku bogaadiyay ciidamada Amniga shaqadda ay hayaan.

Ciidamada NISA, ayaa duleedyada Magaalada Muqdisho ku baara gaadiidka soo gala, sidoo kalena halkaasi ku diiwaangeliya dhamaan gaadiidka.