Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo sheegay in loo diyaar garoobaayo doorasho qof iyo cod ah

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalka uu aaday doorasho qof iyo cod ah, isaga oo ku baaqay in halkaas dhiilaha loo cusho, ka dib markii qaar ka mid ah mucaaradka ay qaadaceen warsaxaafadeedkii ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Wasiir Fiqi oo bartiisa gaarka ee faysbuuga ku baahiyey qoraal kooban ayaa kaga hadlay siyaasiyiin uu sheegay in ay qiil ka raadinayaan hadallo uu horay u yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh, balse uu Wasiirka taageero ugu muujiyey madaxweynaha in uu hirgalinayo balan qaadyadii uu sameeyey.

Sidoo kale Wasiirka oo ka falcelinaya hadalka ka soo yeeray Mucaaradka ayaa yiri, “Inta badan siyaasiyiinta baaqyada soo saaraya, waxay sameeyeen ballanqaadyo kuwaas la mid ah oo codkoodii ayagoo ballanqaadaya ayaa meel kasta ku jira, maantana wax ka duwan ayay wadaan, sidee umaddu u rumaysanaysaa warkiisa danbe.”

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyey in dowladda iyo hoggaankeeda ay ku mashquulsan yihiin ka dhabaynta ballanqaadyada, halka mucaaradka uu ku sheegay in ay ku howlan yihiin soo jarjaridda iyo isku maaweelinta hadallo hore.