Wasiirka Arimaha Dibada XFS Axmed Macalin Fiqi oo maanta u ambabaxay Dalka Turkiga.

Muqdisho, August 10, 2024 – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya  Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta u ambabaxay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Wasiir Fiqi iyo Wafdigiisa uu hugaaminayo ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga ee walaalaha aynu nahay, iyagoo ku matalaya Dowladda Federalka Soomaaliya, ka qayb galka wareegga labaad ee wadahadalka u dhaxeeya Dowladaha Somaaliya iyo  Itoobiya, kaas oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga sida ay sheegtay Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya.

Wadahadalkan ayaa lagu wadaa inay magaalada Ankara ka furmaan maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu ku began tahay 12 August, 2024.