Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Somaaliya Oo Kahadlay doorashada Galmudug iyo Xiliga Ay dheceyso

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay khilaafka hoggaanka Galmudug, hadaladii dhawaan kasoo yeeray Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir iyo waqtiga ay dhaceyso doorashada Maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Galmudug dhismaheedii hore dhibaato farabadan laga soo maray,isla markaana horay u jirtay khilaaf ka dhaxeeyey Maamulkii Galmudug ee ku sugnaa Cadaado iyo Ahlusuna oo gacanta ku heysay Dhuusamareeb, hayeeshee xal laga gaaray.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya mowqifkeeda uu yahay in Galmudug ay doorasho ka dhacdo Bisha July ee Sanadkaan xilli Madaxweyne xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug ay sheegeen in ay doorashada dhaceyso marka la gaaro Sanada 2021,ka oo waqtigooda uu ku egyahay.

Madaxda Maamulka Galmudug iyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay inay u taallo Shaqa adag oo ah in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo wixii khilaaf ah ee jirana wadahadal iyo si hoose loo xaliyo.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli la wada sugayay mowqifka dowladda ee doorashada Galmudug,isla markaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu cadeeyey mowqifka dowladda iyo waqtiga ay dhaceyso doorashada Galmudug.