Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Wang Yi, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Addis Ababa, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo arrimaha amniga.
Sidoo kale, labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wada-hadlay xaaladaha guud ee amni iyo siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn goboleed oo lagu xaqiijinayo xasillooni, nabad waarta iyo horumar guud oo ka hana qaada gobolka.
Wasiir Wang Yi ayaa inta uu joogo Addis Ababa ku muujiyay doorka sii kordhaya ee Shiinaha ee taageerada dalalka Afrika, isagoo xusay in Beijing ay ka go’an tahay in ay sii xoojiso garab istaagga ay u hayso waddamada saaxiibka la ah, gaar ahaan kuwa wajahaya caqabado dhinaca amniga iyo horumarinta ah.
Waxaa la filayaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha uu berri u ambabaxo Soomaaliya, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda sare ee dalka, si looga wada-hadlo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga siyaasadeed, midka amniga iyo horumarinta. Safarkan ayaa imanaya xilli Shiinuhu yahay mid ka mid ah quwadaha waaweyn ee si dhow ula barbar taagan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, taageerada siyaasadeed iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.