Wasiirka Arrimaha Dibadda Ereteriya Oo Gaaray Hargeysa

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxaa Goordhow gaaray wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Ereteriya Cusmaan Saalax Maxamed ,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Cigaal International Air Port ee Hargeysa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Somalialnd Muuse Biix Cabdi iyo xubn kale oo ka tirsan Xukuumaddiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Ereteriya Cusmaan Saalax Maxamed ayaa waxa kulan la qaadan doonaa inta uu halkaasi ku sugan yahay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ilaa iyo hadda lama Og Ujeedka uu u gaaray Magaalada Hargeysa Wasiir Cusmaan Saalax.