Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa booqasho shaqo ku tegay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Tripoli. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo adeegga qunsuliyadda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda.
Wasiirka waxaa xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdi Aadan Diiriye iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta safaaradda. Wasiirka ayaa warbixin kooban laga siiyay xaaladda guud ee Soomaalida ku nool Liibiya, gaar ahaan kuwa ku jira xabsiyada iyo muhaajiriinta dhibaataysan.
Wasiir Cabdisalaan waxa uu madaxda safaaradda ku adkeeyay inay kordhiyaan dadaalka ay ugu jiraan difaacidda muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo xusay inay dowladda ka go’an tahay badbaadinta iyo u adeegidda muwaadiniinta meel kasta oo ay dunida ka joogaan.