Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cali Dhaay, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Mr. Elkhidir Daloum, Wakiilka iyo Agaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda WFP, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bini’aadantinimo, adkeynta bulshada, iyo barnaamijyada horumarineed ee waara.
Wasiir Dhaay ayaa uga mahadceliyay WFP taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen abaaraha, barakaca iyo cunno yaraan ba’an. Wuxuu xusay in iskaashi joogto ah uu lagama maarmaan u yahay horumar iyo xasillooni waarta.
Dhankiisa, Mr. Daloum ayaa sheegay in WFP ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada cunno-qeybinta, quudinta ardayda, nafaqada hooyada iyo dhallaanka, iyo soo celinta ilaha nololeed.
WFP waxay ka mid tahay hay’adaha ugu waaweyn ee dalka ka taageera dhinaca gargaarka bini’aadantinimo.