Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Safaaradda Qatar ku geeyay dhambaal tacsi ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa maanta booqasho tacsi ah ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ku saxiixay buugga tacsida isla markaana gaarsiiyay dhambaal tacsi iyo tiiraanyo leh oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

Tacsidan ayaa ku saabsan geerida ku timid Alle ha u naxariistee Aabbaha dhalay Amiirka Dowladda Qatar, isla markaana ahaa Amiirkii hore ee dalkaas, Marxuum Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.

Wasiirka ayaa waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi bin Saalem Al Nuceymi, waxaana kulankooda lagu muujiyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Mudane Cabdisalaan Cali ayaa dhambaalka tacsida ku gudbiyay dareenka murugada leh ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani, qoyska boqortooyada, dowladda iyo guud ahaan shacabka walaalaha ah ee reer Qatar.

Wasiirka ayaa sidoo kale Alle SWT uga baryay marxuum Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani inuu ka waraabiyo naxariistiisa Jannatul Firdowsa, halka ehelkiisa, qoyska boqortooyada iyo shacabka Qatar uu uga rajeeyay samir iyo iimaan.

Booqashadan tacsida ah ayaa ka tarjumeysa xiriirka qotoda dheer ee diblomaasiyadeed iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay markale xaqiijisay garab istaaggeeda shacabka iyo dowladda Qatar xilligan murugada leh.