Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaaliya Oo Koonfur Afrika kala Hadlay Dilalka Soomaalida Loo Geysto

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo ku sugan Magalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay Dhiggiisa dalka Koonfur afrika Ms Lindiwe_Sisulu

Kulanka ayaa waxa ay  uga wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed,iyo iskaashi dhinac walba leh ee labada dal ay wada yeeshaan.

Warar ay heshay warbaahinta  ayaa waxa ay sheegayan in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Dhiggiisa dalka Koonfur afrika Ms Lindiwe_Sisulu ay ka wada hadleen dhibaatooyinka dilalka iyo boobka ah ee lagu haayo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan,kuwaas oo Ganacsi ahaan u jooga,hayeeshee inta badan waxaa loo geystaa falal isugu jira dil dhaawac iyo in la boobo hantidooda,iyada oo dowladda Koonfur Afrika aysan waxba ka qaban.