Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku gaaray safar rasmi ah oo muhiim ah.
Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa si diirran oo heer sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Tripoli Mudane Fathallah Abdel-Latif Al-Zani, oo ah Wasiiru-dawlaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Liibiya. Soo dhaweynta kadib, labada dhinac ayaa is dhaafsaday salaan iyo bogaadin muujinaysa xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.
Safarka Wasiirka ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka Afrika, gaar ahaan Liibiya, iyo kor u qaadista iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo horumarka. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in kulammo muhiim ah oo heer sare ah uu Wasiirku la yeesho mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Liibiya si loo sii adkeeyo wada shaqeynta labada dal.
Sidoo kale, safarkani wuxuu qayb ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto adkeynta xasilloonida gobolka, kobcinta xiriirka caalamiga ah, iyo horumarinta iskaashiga qaaradeed ee Afrika.