Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar, ahna Ergeyga Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Cali Cabdi Awaare, iyo diblomaasiyiinta ka howlgala safaaradda.
Booqashada ayaa qeyb ka ahayd dadaallada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ku xoojinayso kormeerka iyo tayeynta howlaha safaaradaha Soomaaliya ee dibadda, si kor loogu qaado adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo sare u qaadidda doorka diblomaasiyadeed ee dalka.
Intii uu ku sugnaa safaaradda, Wasiirka ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay maamulka iyo shaqaalaha safaaradda, taas oo la xiriirtay howlaha diblomaasiyadeed, adeegyada qunsuliyadeed ee la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, xiriirka labada dal iyo doorka ay safaaraddu ka qaadato xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, iyo sidoo kale wada-shaqeynta Soomaaliya ay la leedahay Jaamacadda Carabta.
Wasiir Cabdisalaam Cali ayaa ku ammaanay Safiirka iyo dhammaan shaqaalaha safaaradda dadaalka, xirfadda iyo hufnaanta ay ku gutaan waajibaadkooda, isagoo sheegay in adeeg hufan oo loo fidiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed uu yahay mudnaanta koowaad ee dowladda.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay diblomaasiyiinta inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada qunsuliyadeed, ilaalinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Masar, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka saaxiibka la ah.
Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in safaaradaha Soomaaliya ay noqdaan xarumo hormuud u ah difaaca danaha qaranka, horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda iyo kobcinta sumcadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee fagaaraha caalamka.