Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Isniintii wadahadal laba geesood ah oo fogaan-arag ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed, Mudane Dr. Cho Hyun.
Intii uu socday wadahadalku, labada wasiir waxay diiradda saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga u dhexeeya labada dal. Waxa kale oo ay dib u eegis ku sameeyeen arrimo dhowr ah oo dan wadaag ah, oo ay ka mid yihiin joogitaanka ciidamada badda ee Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed ee Gacanka Cadmeed, iyo horumarrada guud ee heer gobol iyo heer caalami.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa mar kale xaqiijiyay ixtiraamka buuxa ee Dowladda Kuuriyada ay u hayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyay sida ay uga go’an tahay ku-dhaqanka sharciga caalamiga ah iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka kale.