Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Tripoli, kana qaybgalaya shir muhiim ah oo CEN-SAD ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka Golaha Fulinta ee Ururka Bulshada Dalalka Saaxil iyo Saxaraha (CEN-SAD), kaas oo maanta ka furmaya magaaladaas.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa magaalada Tripoli u tegay ka qaybgalka kulankan oo ay isugu imaanayaan wasiirrada iyo wakiillada dalalka xubnaha ka ah ururka, kaas oo looga arrinsan doono arrimo muhiim u ah mustaqbalka ururka, gaar ahaan dib-u-habaynta iyo dib-u-qaabaynta hay’adihiisa iyo xoojinta wada-shaqaynta dalalka xubnaha ka ah.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa qorshayaasha lagu casriyeynayo laguna xoojinayo qaab-dhismeedka ururka, iyadoo wasiirradu ay ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa habraacyada shaqo, hufnaanta hay’adaha iyo awoodda ururka ee fulinta himilooyinka loo aasaasay. Arrimahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in ururka loogu diyaariyo marxalad cusub oo ku dhisan iskaashi iyo isku-duwid wanaagsan.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqayn doonaa qorshayaasha iyo diyaar-garowga la xiriira shirka madaxeedka xiga ee hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah CEN-SAD, kaas oo la filayo in lagu go’aamiyo jihada siyaasadeed iyo qorshayaasha mustaqbalka ee ururka.

Dowladda Soomaaliya oo xubin ka ah ururka CEN-SAD tan iyo sannadkii 2001, ayaa kulankan uga qaybgalaysa iyadoo qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee ay ku xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa ku mideysan ururkan.

Soomaaliya ayaa shirka ku soo bandhigi doonta aragtideeda ku aaddan doorka Geeska Afrika ee dadaallada lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo is-dhexgalka dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah ururka. Waxaa sidoo kale muhiimad gaar ah leh sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta dalalka Afrika ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo wax ka qabashada caqabadaha guud ee gobolka.

Ka qaybgalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee shirka ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ku doonayso inay ku xoojiso matalaaddeeda fagaarayaasha caalamiga ah iyo kuwa qaaradeed, isla markaana ay door muuqda uga qaadato kulamada looga hadlayo iskaashiga, xasilloonida iyo horumarka dalalka Afrika.