Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carabta Masar kaga qayb-galay shirka labaad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, kaas oo qabsoomay intii u dhaxeysay 19–20 December.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo dalalka Afrika, iyadoo si gaar ah looga hadlay arrimaha diblomaasiyadda, ganacsiga, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxa kale oo madasha lagu falanqeeyay caqabadaha waaweyn ee horyaalla qaaradda Afrika iyo kaalinta Ruushka ee taageerada horumar waara.
Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa tilmaamay in caqabadaha caalamiga ah ee maanta jira aan lagu wajihi karin tallaabooyin hal-dhinac ah, balse ay u baahan yihiin iskaashi caalami ah oo ku dhisan is-ixtiraam, masuuliyad wadaag iyo dhowrista shuruucda caalamiga ah.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in nabad waarta iyo xasillooni ka dhalata qaaradda Afrika lagu gaari karo oo kaliya marka la isku dubarido dadaallada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo gargaarka bini’aadantinimo, si loo helo horumar loo wada dhan yahay.
Gabagabadii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay taageerada buuxda ee Soomaaliya ay u hayso iskaashiga Ruushka iyo Afrika, isaga oo ku baaqay nidaam caalami ah oo ku dhisan caddaalad, maalgelin la saadaalin karo, iyo fududeynta helitaanka tiknoolajiyada casriga ah, si si wadajir ah looga guuleysto caqabadaha la xiriira isbeddelka cimilada iyo carqaladaha dhaqaale ee jira.
