Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda, Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Mudane Hu Changchun.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda istiraatiijiyadda xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeysa labada dal.
Dhinaca Wakiilka Shiinaha ayaa mar kale caddeeyay taageeradiisa adag ee madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la xusay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya oo ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga iyo isku xirka caalamiga ah.
Dowladda Soomaaliya yaa dhankeeda ku celisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah.
Shiinaha ayaa isna muujiyay diyaar u ahaanshihiisa inuu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya si loo horumariyo danaha wadajirka ah, loona taageero dadaallada ay Soomaaliya ku hoggaamineyso, isla markaana loo xoojiyo iskaashiga arrimaha nabadda iyo amniga, gaar ahaan goobaha iskaashiga caalamiga ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, iyagoo aqoonsaday muhiimadda ay u leeyihiin kobaca dhaqaale ee waara iyo ka faa’iideysiga khayraadka badda ee Soomaaliya.