Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, oo booqasho sagootin ah ugu timid Wasiirka, iyadoo ay ku beegnayd dhammaadka muddo xileedkeedii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, horumarka laga sameeyay iskaashiga labada dhinac, iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada mudnaanta u leh Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin nabadeynta, dowlad-dhiska, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo iyo kobcinta hay’adaha dowladda.
Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay Safiir Francesca Di Mauro kaalintii muuqata ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub intii ay gudanaysay waajibaadkeeda diblomaasiyadeed. Waxa uu ku ammaanay dadaalladii ay ku bixisay taageeridda qorshayaasha horumarinta Soomaaliya iyo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Wasiirka ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Safiirka magacaabisteeda cusub ee Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Adeegga Hawlaha Dibadda ee Midowga Yurub (European External Action Service – EEAS), isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar inta ay gudanayso mas’uuliyadda cusub ee loo igmaday.
Dhankiisa, Wasiirku waxa uu uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, amniga, horumarinta hay’adaha dowladda, adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda dalka.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyagoo muujiyay sida ay muhiim u tahay in la sii ambaqaado wada-shaqeynta miro-dhalka ah ee labada dhinac si loo taageero nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara ee Soomaaliya.