Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ku tagay magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda.
Inta uu joogo Kigali, Wasiir Cabdisalaam ayaa la kulmi doona mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Rwanda, iyadoo wadahadallada diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga labada dal iyo kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Rwanda.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga, iyo sidoo kale sidii ay u wadaagi lahaayeen khibradaha la xiriira dagaalladii sokeeye iyo dib-u-dhiska dowladnimada.
Soomaaliya iyo Rwanda ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir sii xoogeysanaya, maadaama ay labaduba xubno ka yihiin Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo fursad u siisay in ay kor u qaadaan is-dhexgalka iyo iskaashiga gobolka.
Labada dal ayaa ka mideysan dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo nabadda, horumarka iyo wax wada qabsiga gobolka Bariga Afrika.