Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qaybgalay kulan degdeg ah oo khadka internet-ka ah oo ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika .

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka qaybgalay kulan degdeg ah oo khadka internet-ka ah oo ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (AU PSC), kaas oo looga hadlayay faragelintii Yahuudda ay ku sameysay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Isagoo khudbad ka jeedinayay kulanka Golaha Nabadda iyo Amaanka Midowga Afrika Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali wuxuu sheegay in Soomaaliya si cad u diiddan tahay tallaabooyin hal dhinac ah oo uu Israa’iil qaaday, kuwaas oo uu ku tilmaamay isku day lagu aqoonsanayo gobollada waqooyi ee Soomaaliya inay yihiin dal gooni ah isagoo xusay in tallaabooyinkaas ay si toos ah uga hor imaanayaan Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Aasaaska Midowga Afrika, iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Kulankan ayaa kusoo aaday iyadoo maanta magaalada Hargaysa uu booqasho ku tagay Wasiirka arrimaha dibadda Yahuudda kaasi oo la kulmay hogaamiyaha maamulka Soomaaliland C/raxmaan Cirro.