Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka UNDP ee waqtigu ka dhamaaday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta xafiiskayga Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga ku qaabilay Mudane Jocelyn Mason oo ahaa wakiilka hay’adda horumarinta qaramada midoobay (UNDP) ee Soomaaliya oo wakhtigiisa shaqadu dhammaaday iyo ku xigeenka ahna ku simaha wakiilka hay’adda (UNDP) ee Soomaaliya Marwo Sophie Kemkhadze.

Waxaan uga mahadceliyey dadaalka ay geliyaan mashaariicda horumarinta iyo dhammaan hawlaha kale ee hay’adda UNDP ka waddo dalka Soomaaliya guud ahaan”ayuu yiri Wasiir Abshir Cumar Jaamac.

Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa sheegay in ay isla qaateen in wasaaradda iyo hay’addu yeeshaan wada shaqayn iyo iska warqab dhow, si loogu guuleysto fulinta hawlaha baaxadda leh ee waxtarka u leh dalkeenna.