Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug oo Daahfuray Mashruuca Bulsho ee Xoojinta Dowlad-dhiska

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Daahfurka Mashruuca Bulsho, oo lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta adeegyada bulshada iyo horumarinta dowlad-dhiska dalka.

Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug, Mudane Dr. Mohamed Alinor Shaakir, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka, kuwaas oo ka wada hadlay muhiimadda mashruucan iyo sida uu uga qeyb qaadan karo horumar waara.

Wasiir Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, oo kalmad kooban ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in Mashruuca Bulsho uu yahay mid si toos ah u taageeraya geeddi-socodka dowlad-dhiska, gaar ahaan dhanka xoojinta hay’adaha dowladda iyo adeeg bixinta bulshada. Wuxuu tilmaamay in mashruucani uu diiradda saarayo sidii loo horumarin lahaa wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada rayidka ah, taas oo saldhig u ah dowladnimo waarta.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in mashruucan uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono dardargelinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo maamulka deegaanka, isagoo ku boorriyay dhammaan dhinacyada in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta qorshayaasha horumarineed.

Sidoo kale, masuuliyiinta kale ee ka qeyb galay munaasabadda ayaa bogaadiyay mashruuca, iyagoo sheegay inuu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dowladda, isla markaana lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Ugu dambeyn, daahfurkan ayaa loo arkaa mid ka mid ah tallaabooyinka lagu xoojinayo nidaamka dowladnimo ee dalka, iyadoo la doonayo in la dhiso bulsho ka qaybqaadata horumarka, isla markaana leh adeegyo dowladeed oo hufan oo gaara dhammaan shacabka.