Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka furay Shirka Madasha Isku-dubbaridka Xasilinta ee wasaaradaha Dowladda Galmudug, kaasi oo ah mid muhiimad weyn u leh dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka deegaannada Galmudug.
Shirkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha kala duwan ee dowladda, loona hagaajin lahaa isku-duwidda qorshayaasha xasilinta ee ka socda deegaanada Galmudug. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay hababka ugu habboon ee lagu taageeri karo dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta bulshada, iyo bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee shacabka.
Furitaanka shirka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, iyo Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha xasilinta ee Dowladda Galmudug. Waxaa sidoo kale goobta joogay masuuliyiin ka socotay Dowladda Hirshabeelle, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee taageera barnaamijyada xasilinta, iyo marti sharaf kale oo muhiim ah.
Intii uu shirka socday, mas’uuliyiintii halkaas ka hadlay ayaa si qoto dheer u sharaxay muhiimadda ay leedahay iskaashi buuxa oo dhex mara hay’adaha dowladda, si loo hubiyo in qorshayaasha xasilinta ay noqdaan kuwo mideysan oo waxtar leh. Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqeen in is-weydaarsiga khibradaha iyo xogaha la xiriira horumarinta nabadda uu yahay tiir muhiim u ah dardargelinta barnaamijyada xasilinta.
Ugu dambeyn, shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay fariin cad oo ah in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada, lana dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, amni sugan, iyo horumar bulsho oo ka hanaqaada dhammaan deegaanada Galmudug.