Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socday dalka Norway oo uu horkacayo ergeyga Khaaska ah ee u qaabilsan Soomaaliya Einar Rystad.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta ee ka socda guud ahaan Soomaaliya, taas oo ka tarjumaysa iskaashiga joogtada ah ee labada waddan ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo dowladnimada.
Kulankaan ayaa imaanaya xilli uu magaalada Muqdisho soo gaaray, wafdi ka socday dalka Norway oo uu horkacayo ergeyga Khaaska ah ee u qaabilsan Soomaaliya Einar Rystad, iyada uu halkaas ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh).