Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Guddoomiyey Kulan Lagu Dardargelinayo Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta gudbinta Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Kulankan oo ahaa mid muhiimad gaar ah u leh horumarinta nidaamka dowladnimada hoose iyo hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, ayaa lagu falanqeeyey sidii loo heli lahaa sharci dhameystiran oo si rasmi ah u hagaya shaqada goleyaasha deegaanka ee dhawaan laga soo doortay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Abdulkadir Ali iyo Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayasha Qaranka mudane Liibaan, kuwaas oo ka qeyb qaatay doodaha iyo talooyinka la xiriira dhismaha sharciyeynta goleyaasha deegaanka. Intii uu kulanku socday waxaa si qoto dheer looga hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo xeer mideeya habraacyada maamulka degmooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka hoos yimaada.

Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in hindisahan uu yahay mid muddo laga soo shaqeynayey, lagalana tashaday dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan ururrada siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Ujeeddada ugu weyn ee xeerkan ayaa ah in la abuuro hannaan sharciyeed oo caddeeya waajibaadka, awoodaha iyo masuuliyadaha goleyaasha deegaanka, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan, wada shaqeyn iyo adeeg hufan oo shacabka loo fidiyo.

Sidoo kale, xeerkan ayaa muhiim u ah dhismaha nidaamka dowladaha hoose, maadaama uu qeexayo xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexeeya maamulka gobolka iyo degmooyinka, isaga oo meesha ka saaraya isfaham la’aanta iyo isdulsaarka awoodaha maamulka. Waxaa la filayaa in marka uu xeerkan dhaqan galo uu sare u qaado tayada maamulka deegaanka, kobciyo ka qeybgalka bulshada iyo xoojinta dimuqraadiyadda heer deegaan.

Wasiirka ayaa kulanka ka sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka go’an tahay taageeridda goleyaasha deegaanka iyo hirgelinta nidaam sharciyeed casri ah oo waafaqsan dastuurka iyo hannaanka federaalka dalka. Waxa uu xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha hay’adaha dowladaha hoose si shacabka Gobolka Banaadir ay u helaan adeegyo hufan iyo maamul daahfuran oo ka turjumaya rabitaanka bulshada.