Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Dib Loo Doortay ee Hirshabeelle

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo ku sugan magaalada Jowhar, ayaa ka qaybgalay munaasabadda doorashada hoggaanka cusub ee Maamulka Hirshabeelle.

Golaha Wakiillada Hirshabeelle ayaa mar kale Hoggaamiyaha maamulka u doortay Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), halka xilka Hoggaamiye Ku-xigeenka loo doortay Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, kaddib doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar, oo ah xarunta maamulka Hirshabeelle.

Wasiir Cali Xoosh ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray labada mas’uul ee loo doortay hoggaanka Hirshabeelle, isaga oo u rajeeyay in Alle ku garab galo gudashada waajibaadka iyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

Wasiirka ayaa hoggaanka cusub kula dardaarmay in ay mudnaanta siiyaan xoojinta midnimada, wadajirka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta deegaannada Hirshabeelle iyo wax ka qabashada baahiyaha shacabka.

Sidoo kale, Cali Xoosh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hoggaanka maamulka iyo hay’adaha dowladdu ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow, si loo xoojiyo dowlad-dhiska, loo ilaaliyo xasilloonida, loona dardargeliyo howlaha horumarineed ee bulshada.

Ka qaybgalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee munaasabadda doorashada ayaa ku soo beegmaya xilli maamulka Hirshabeelle uu galay marxalad cusub oo hoggaamineed, kaddib markii Golaha Wakiilladu dib u doortay Cali Guudlaawe iyo Cabdifitaax Xasan Afrax.

Ugu dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa hoggaanka cusub u rajeeyay guul iyo horumar, isaga oo ku boorriyey in ay si daacadnimo iyo xilkasnimo leh ugu adeegaan shacabka Hirshabeelle, kana shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo horumarka guud ee maamulka.