Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ku Daahfuray Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa ku daahfuray magaalada Muqdisho Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, wakiillo ka socday dowlad goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.
Xubnaha Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab, oo ka kooban heerarka kala duwan ee dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ah, ayaa ka hadlay ahmiyadda mashruucan u leeyahay daadejinta adeegyada iyo xoojinta dowlad-dhiska.
Intii kulanku socday waxaa lagu soo bandhigay mashaariicda laga hirgeliyey dowlad goboleedyada, waxaana sidoo kale isla fadhiga lagu ansixiyey qorshe howleedka sanadaha 2026–2027.