Wasiirka Arrimaha gudaha oo shir kafuray magaalada Gaalkacyo

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta si rasmi ah Muqdisho kaga furay shir lagu dardar gelinayo arrimaha nabadeyna ee Magaalada Gaalkacyo.

Shirka waxaa ka qeyb galay xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha ee maamulada Galmudug iyo Punland iyo sidoo kale sidoo kale hay’addaha ka shaqeeya arrimaha nabada iyo dib u heshiisiinta ee ka howlgala Soomaaliya.

Shirka waxaa soo qaban qaabisay wasaarada arrimaha gudaha, waxaana intiisa badan logu hadlay dardar gelinta arrimaha nabadeyna gaalkacyo iyo fulinta qorshayaasha la xiriira nabada ee magaalada.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in wasaarada arrimaha gudaha ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu nabadeynayo magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa ugu baaqay xubnaha loo xil saaray nabadeynta Gaalkacyo iney muujiyaan doorkooda shaqadana ay dardar geliyaan.

Gabagabada shirka ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed lagu dhameysirayo howlaha nabadeyna Magaalada Gaalkacyo.