Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Kulan Miro-dhal ah la Qaatay Dhiggiisa Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo safar shaqo ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaasi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Mudane Mohsin Naqvi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya labada wasaaradood, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay arrimo la xiriira wada-shaqeynta dhanka amniga, dowlad-dhiska, dhismaha iyo tayeynta awoodaha hay’adaha dowladda, iyo is-dhaafsiga khibradaha ku saabsan arrimaha gudaha, maareynta amniga iyo bedqabka shucuubta.

Labada wasiir ayaa isla qaatay in la xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga gudaha, la-dagaallanka xagjirnimada, ka hortagga dambiyada abaabulan, iyo horumarinta nidaamyada dowliga ah ee kor u qaadaya xasilloonida iyo adeegyada loo fidiyo bulshada. Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo bandhigay fursado cusub oo lagu wadaagi karo waayo-aragnimo la xiriirta federaaleynta, maamulka gobollada iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa uga mahadceliyay Dowladda Pakistan soo dhaweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ku dhisan dan wadaag, is-ixtiraam iyo iskaashi waara.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Mudane Mohsin Naqvi, ayaa muujiyay diyaar garowga dalkiisa ee ah inuu sii xoojiyo taageerada iyo iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhismaha hay’adaha iyo tababarrada kor loogu qaadayo kartida shaqaalaha dowladda.

Labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashi laba geesood ah oo wax ku ool ah, kaas oo ka shaqeynaya meelaha ay labada dal danwadaagta ka leeyihiin, isla markaana gacan ka geysanaya xasilloonida, amniga iyo horumarka guud ee labada shacab.